4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 19, 2023
Nin u dhashay dalka Burundi oo fuliyay weerarkii Shabaab ay ka geysteen Janaay Cabdalle

Axad, Maarso, 19, 2023 (HOL) - Muwaadin u dhashay dalka Burundi ayaa si toos ah loola xiriiriyay weerarkii dhawaan Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Janna Cabdalle ee hoos yimaada magaalada Kismaayo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkii 7-dii bishan ka dhacay deegaanka Janaa Cabdalle, uu ka dambeeyay nin u dhashay dalka Burundi oo ka soo jeeda deegaanka Kibimba.

Weerar ismiidaamin ah iyo dagaal toos ah oo Alshabaab ay ku qaadeen deegaanka Jaanay Cabdalle, ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 5 askari iyo tiro kaloo rayid ah.

Ninka weerarka geystay ayaa magaciisa lagu sheegay Dnayizeye Isxaaq Khaalid oo loo yaqaan “Showkaani” kaas oo ka soo jeeda qabiilka Hutu ee dalkaasi.

Dnayizeeye waxa uu Soomaaliya yimid 7 sano ka hor. Al-Shabaab ayaa sheegtay in uu xiriirinayey dhaqdhaqaaqa kooxda ee guud ahaan dalka iyo xuduudaha marka loo eego waayo-aragnimadiisa" maaraynta walxaha qarxa.

Muwaadiniin u dhashay Kenya iyo Tanzania oo katirsan Alshabaab ayaa horey u fuliyay weerar lagu bartilmaameedsaday saldhigga ciidamada badda ee Manda Airbase ee Kenya, kaas oo sababay dhimashada ugu yaraan 3 qof oo Mareykan ah.