4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 19, 2023
Weerar qarax ku bilaawday oo ka dhacay Saldhig ciidan oo ku yaala duuleedka degmada Baardheere
 

Axad, Maarso, 19, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay kooxda Al-shabaab weerar ku bilaawday qaraxyo ay ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaala duuleedka degmadaas.

Weerarka qaraxa ku bilaawday ayaa la sheegay inuu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidankii ku sugnaa Saldhiga la weeraray iyo dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Saldhiga weerarka ay ku qaadeen Al-shabaab ayaa la sheegay iney ku sugnayeen ciidamo kasoo jeeda deegaanka oo halkaasi lagu tababarayay, si ay uga mid noqdaan ciidamo loo diyaarinaayo la dagaalanka kooxda Al-shabaab.

Weerarkaan ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen ilaa 5 ruux oo isugu jira  tababarayaal iyo askar ku sugneyd Saldhiga la weeraray, waxaana magaalada Baardheere wali laga dareemaya xaalad kacsanaan ah.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ah oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid aad u xoogan oo markii dambana ay ku biireen ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, kuwaas oo saldhig ku leh agagaarka xerada Al-shabaab weerarka ku qaaday.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha laamaha amaanka iyo maamulka degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarka.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii kooxda Shabaab weerar Ismiidaamin ahaa  ay ku qaaday guriga martida ee degmada Baardheere oo ay waxyeelo kasoo gaartay masuuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed.