4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 17, 2023
Bahda Warbaahinta Soomaaliyeed oo ka dhiidhiiyay xariga sharci darrada ah ee weriye Cabdalle Muumin

Jimco, Maarso, 17, 2023 (HOL) - Ururka Saxafiyiinta (SJS), Ururka Warbaahinta (SOMA) iyo ururka Badbaadada Suxufiyiinta, (SMSJ) ayaa ka dhiidhiyay xariga sharci darrada ah ee lagu hayo Xoghayaha Guud ee SJS Cabdalle Axmed Muumin, waxayna ku baaqeen in si shuruud la’aan ah loo sii daayo.

Weriye Cabdalle Muumin waxa uu si qarsoodi ah ugu xiran yahay xabsiga dhexe ee Muqdisho tan iyo 23-kii February, 2023, iyadoo loo diiday in uu la hadlo qoyskiisa, waxaana lagu hayaa qol ay maxaabiis ku buuxaan, isagoo la ildaran xasaasiyad iyo kelyo xanuun.

13-kii Febraayo 2023, Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 2 bilood oo xarig ah ku xukuntay Cabdalle Axmed Muumin, kaddib markii lagu eedeeyay inuu u hoggaansami waayay amarkii Wasaaradda Warfaafinta ee 8-dii October 2022.

Waxaa la sii daayay ka dib markii saraakiisha xabsiga ay sheegeen inuu horay u dhameystay 2 bilood oo xarig ah, tan iyo markii la xiray Oktoobar 11, 2022."

Toban maalmood ka dib, 23-kii February, 2023, hal askari oo dhar cad ah oo ka tirsan Nabad-sugidda iyo mid kaloo Booliis ah ayaa si sharci-darro ah u xiray Cabdalle Axmed Muumin.

Xilli uu ku sugnaa Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kaga qeyb galayay kulan wadatashi ah oo dadweyne oo ay soo qabanqaabiyeen guddiga dhaqaalaha ee aqalka sare.

Xarigga sharci darrada ah ee Cabdalle iyo cadaadiskiisa joogtada ah ayaa ah weerar ka dhan ah dhammaan bahda saxaafadda Soomaaliyeed, kuwaas oo qaarkood horey koogu sameeyay faafreeb iyaga oo raacaya amarkii dowladda ee 8-dii Oktoobar.

Amarkaas oo ahaa inaan la tebin karin wararka Alshabaab.

Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed ayaa waxay ugu baaqeyday saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah inay si cad u cambaareeyaan cadaadiska joogtada ah iyo xarigga sharci darrada ah ee ka dhanka ah weriye Cabdalle Axmed Muumin, waxayna ugu baaqayaan dowladda inay si shuruud la’aan ah ku sii deyso.