4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 14, 2023
4 qof oo isku qoys ah oo ku geeriyooday hoobiye kusoo dhacay gurigooda oo kuyaalay Baardheere
 

Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - Hooyo iyo labadeeda carruur iyo qof kaloo marti u ahaa, ayaa ku geeriyooday Hoobiye kusoo dhacay hoygooda oo kuyaalay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Labo kale oo carruur ah oo isla qoyskan katirsan ayaa dhaawacmay hoobiyaha.

Alshabaab ayaa saakay tiro hoobiyayaal ah ku garaacay degmada Baardheere, wax yar kadib weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagusoo qaaday hoyga martida ee degmada Baardheere.

Guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa ku dhaawacmay weerarkaan, isagoo la xaqiijiyay inuu lug ka jabay, kadibna waxaa dhaawiciisa loo qaaday magaalada Muqdisho.

Saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Baardheere ayaa guddoomiyaha xaaladiisa lagula tacaalay kahor inta aan loo duulin Muqdisho.

Alshabaan ayaa bilihii ugu dambeeyay weeraro iyo dilal ka dhan masuuliyiinta Gedo ka geysanaysay gobolkaas Gedo.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii gurigiisa qarax loogu xiray guddoomiye ku xigeenkii labaad ee Buurdhuubo, kaasoo ku dhaawacmay, sidoo kalena labo carruurtiisa ah ay ku geeriyoodeen qaraxaas.