3/21/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 14, 2023
Faahfaahin ku saabsan weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo

Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - Ugu yaraan 5 askari iyo afar qof oo ra'yid ah ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo saakay arroortii lala beegsaday guri ay daganaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo iyo saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka.

Gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay in lala beegsaday guriga guddoomiyaha gobolka Gedo oo ku dhaw xarumo dowladeed oo ku yaalla gudaha magaalada Bardheere.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan, sida ay sheegtay warbaahinta kooxdaas.

Alshabaab ayaa sidoo kale sheegay inay madaafiic ku weerareen xarumaha dowladda ee magaalada Baardheere.

Masuuliyiinta ku sugnaa goobta la weeraray waxaa kamid ahaa wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan).

Cabdirashiid Janan ayaa magaalada Baardheere u joogay ciidan tababar looga furay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Ciidankan ayaa qorshihiisu yahay mid Al-Shabaab looga saarayo deegaannada ay ka joogaan Gedo iyo Jubbada Dhexe.












Click here
3/14/2023 11:28 AM EST
Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta xukun ku riday Sarkaal ka tirsana ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo loo heysto dilka maxbuus ka tirsana kooxda Al-shabaab.

3/14/2023 9:41 AM EST
Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in loo bahanyahay in wakhti xaadirkan lasoo doorto madaxweyne, iyo xisbiyo cusub.

3/14/2023 9:18 AM EST
Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in colaada Laascaanood ay tahay shacab reer Somaliland ah oo xukuumadoodii wax ka tabanaya, isla markaana cidii gacan ka gaysanaysa nabadaynteeda laga rabo in ay sida ku shaqeeyso.

3/14/2023 8:35 AM EST
Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - Hooyo iyo labadeeda carruur iyo qof kaloo marti u ahaa, ayaa ku geeriyooday Hoobiye kusoo dhacay hoygooda oo kuyaalay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

3/14/2023 6:55 AM EST
Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - kulan dhexmaray wafti ka socda Wasaarada Dhaqaalaha ee Taiwan, iyo madaxda Wasaarada Ganacsiga Somaliland, ayaa lagaga wadahadlay iskaashi ganacsi iyo dhaqaale oo ay labada dhinac yeelanayaan.

3/14/2023 6:08 AM EST
Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa sheegay in aanu aqoonsanayn xuduudii Ingiriiska ee Somaliland oo ay Somaliland ku doodo in ay tahay xuduud sharci ah Afrika ku dhisantahay.

3/14/2023 2:17 AM EST
Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo saakay ka dhacay guriga Martida degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo ay daganayeen masuuliyiin uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolka Gedo iyo Saraakiil ciidan.

3/14/2023 2:09 AM EST
Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho xalay ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.