4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 12, 2023
Galmudug oo Puntland ku eedeysay inay diiwaan galin sharci darro ah ka wado gobolka Mudug
 

Axad, Maarso, 12, 2023 (HOL) - Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland inay diiwaan galin doorasho ka sameynayso deegaano katiran kuwa Galmudug.

Masuuliyiinta katirsan Galmudug ayaa sheegay in deegaano katirsan gobolka Mudug ay Puntland ka sameysay diiwaan galin sharci darro ah.

Galmudug waxay sheegtay tallaabooyinka caynkaan ah inay dhaawacayaan nabad galyada iyo wada shaqaynta labada maamul, iyagoo ugu baaqay Puntland inay joojiso diiwaan galinta.

Galmudug waxay sheegtay deegaanada laga sameeyay diiwaan galinta inay kamid tahay Dhinowda, Hirsalaama iyo deegaano kale oo katirsan degmada Gaalkacyo.

Dhinaca kale, qaar katirsan barakacayaasha ku nool koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegay in boqolaal katirsan dadkooda lagasoo qaaday xeryahooda kadibna laga diiwaan galiyay seejooyin doorasho oo kuyaala waqooyiga Gaalkacyo.

Waxay sheegeen in markii la diiwaan galiyay laga arursaday warqadahoodii diiwaan galinta, iyagoo sheegay in lacago loogu bedelidoono.

Si kastaba ha ahaatee diiwaan galinta ka socota gobolka Mudug ayaa ah diiwaan galinta doorashooyinka dowladaha hoose ee Puntland.

Puntland weli kama jawaabin eedeymaha kasoo yeeray maamulka Galmudug.