4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 11, 2023
Raysal wasaare Xamse "Suurtagal mahan in 22 isbaaro loo dhigto dadka doonaya iney soo Xajiyaan"
 

Sabti, Maarso, 11, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Diinta iyo awqaafta oo uu kula kulmay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, guddiga maareynta iyo maamulka adeega Xajka iyo qaar ka mid ah holwadeenada Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

Raysal wasaare Xamse ayaa madaxda Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ka dhageystay warbixin ku saabsan hanaanka tartansiinta shirkadaha daneynaya arrimaha Xajka.

Guddiga adeegka Xujeyda oo uu dhawaan magacaabay Wasiirka Wasaaraddaas Mukhtaar Rooboow Cali ayaa Raysal wasaare Xamse u sheegay in halbeega adeegyada Xujeyda Soomaaliyeed iyo jaan gooynta noqon doonto mid qiime ahaan aan culeys ku noqonayn dadka doonaya in ay soo gutaan sanadkaan waajibaadka Alle.

"Dowladda waxay aheyd in dadkeeda ay soo Xajisiiso oo ay lacagta ka bixiso marka hadii taas la waayay ma ahan inagii oo dowladii ah inaan isbaaro dhigano oo qof walba oo warqad saxiixaya uu isbaaro dhigto, shirkadii ticketyada ay isbaaro sii dhigato kii Xamlada dhigto, kii baasboorka sameynay dhigto, intaas oo isbaaro ah iyo ka badan in loo dhigto Hooyada ama Aabaha Soomaaliyeed ee soo gatay beertiisa, gurigiisa, xoolahiisa, goobtiisa ganacsi bal ma qabata aan is weydiine" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumaddiisa ay ka go’an tahay inay hufnaan ay ku maamusho arrimaha Xajka, islamarkaana ay kor joogteyneyso shirkadaha ku guuleysan doona adeegga Xajka, wuxuuna dalbaday in si cadaalad ku dheehan tahay loo wajaho howlaha adeega Xajka.