4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 11, 2023
Dowladda Soomaaliya iyo haya'daha lacagta adduunka oo kawada xaajoonaya hannaanka 5-aad ee deyn cafinta Soomaaliya
 

Sabti, Maarso, 11, 2023 (HOL) - Wasaaradda Maaliyadda, Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bankiga Adduunka ayaa ka wada xaajoonaya hannaanka 5-aad ee dib u eegista barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya iyo hubinta in Wasaaraddu ay buuxisay shuruudihii looga baahnaa.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo dowladda ku matalaya shirkan ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay horumar wanaagsan ka sameysay howlaha la xiriira cafinta daymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

Dr. Cilmi ayaa intaa ku daray in tillaabooyinka ku habboon ee deyn cafinta ay tahay mid ku saleysan nidaamka federaalka si dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ay kaalintooda uga qaataan sidii loo gaari lahaa qorshaha deyn cafinta Soomaaliya.

Kordhinta dakhliga gudaha, maareynta maaliyadda guud iyo dowlad wanaagga ayaa ah meelaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya ay uga gudbi karto caqabadaha jira.

Bishii Oktoobar 2022, IMF waxay heshiis shaqaale la gashay Soomaaliya iyadoo la eegayo in deymaha laga cafiyo dabayaaqada 2023.

Madaxa IMF Laura Jaramillo ayaa xilligaas sheegtay in heshiiska uu yimid ka dib markii si shaqsi ah dib u eegis lagu sameeyay Xarunta deyn bixinta ee Soomaaliya ee Nairobi, Kenya.

Waxa ay sidoo kale ku amaantay maamulada Soomaaliya sida ay ugu adkeysteen isbedelada dhaqaalaha inkastoo abaaro daba dheeraaday, saameynta dagaalka Ruushka ee Ukraine.

IMF iyo Bangiga Adduunka waxay bilaabeen Hindisaha dayn cafinta waddamada Faqiirka ah ee deymaha badan lagu leeyahayh (HIPC) sannadkii 1996 si loo hubiyo in waddan sabool ah uusan la kulmin culeys deyn ah oo aan la maarayn karin.