4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 11, 2023
Dadka loo haysto dacwadaha qowmu-luudka oo kusoo badanaya Somaliland
 

Sabti, Maarso, 11, 2023 (HOL) - Golaha Guurtida Somaliland ayaa ka hadlay dad loo haysto eedaymo la xidhiidha qowmu-luudnimada, kuwaasi oo qaar kood la xukumay.

Xildhibaan Maxamed Sh. Cabdiraxmaan, oo ah guddoomiyaha guddida arrimaha guddaha iyo nabadgalyada, ayaa golaha ka hor akhriyay warbixin booliisku usoo gudbiyay, oo khusaysa eedaha la xidhiidha anshax xumada.

"Tirada dadka qowmu-luudka ah ee gacanta lagu hayay 28 ayay ahaayeen bishii ugu danbaysay ee sannadkii hore, inta maxkamad la geeyay waa 12, inta baadhis lagu wadaa waa 16, inta gar sugayaasha ahi waa 8, tirada la xukumay waa 4 qof oo min 8 sanno lagu xukumay" ayuu yidhi Cabdiraxmaan.

Bulshada Somaliland ayaa fagaarayaasha si wayn ugu falanqaynaysay arrimaha qowmu-luudka baryahan danbe, iyada oo culimadu ay sheegeen in ay tahay dhaqan cusub oo bulshada qaarkood dibadaha kasoo waarideen, isla markaana loo bahanyahay in wax laga qabto.

Somaliland ayaa hada ka fikiraysa sidii loo heli lahaa xeer lagu xukumo dadka lagu ogaaday in ay faraha kula jiraan falalka caynkaasa, iyadoo oo golaha guurtidu doodo ka yeeshay dhowr jeer.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]