4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 10, 2023
Cabdiraxmaan Cabdishakuur "Argagixisada qeyb ayay ka tahay abaarta iyo horumar la'aanta ka jirta dalka"
 

Jimco, Maarso, 10, 2023 (HOL) - Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in abaaraha baahsan ee gudaha dalka ka jira iney qeyb yihiin kooxda Al-shabaab.

Wuxuu xusay in 5-tii xili roobaad ee lasoo dhaafay aysan Soomaaliya roobab ka da'in ay keentay abaaraha haatan ka jira Soomaaliya, hayeeshee kooxda Al-shabaab ay sii adkeysay dhibaatada dhanka nolosha ay wajahayeen dadka beeraleyda iyo xoolo dhaqatada ah oo markii horana la daalaan dhacayay abaarta.

"Abaarta dalka ka jirta kooxda Argagixisada qeyb ayay ka tahay oo waxay nolosha ku dhibeen beeraleyda iyo xoolo dhaqatada, beeraleyda waxay u diideen iney tacab sameyaan oo ceelashii beeraha ay ku warabsan lahayeen way u diideen in Matoorada ku shitaan ayago leh diyaaradaha Drone-ka ayaa nalka iftiinkiisa nagu soo raacaya ma shidi kartaan, sido kalana u diiday taxabka dalagyada qaar, xoolo dhaqatada Saka ayaa leydin ka raba ayay leyihiin iyagoo xoolahii abaarta uga dhamadeen, kuwii xoolo an haysana waxay leeyihiin ilmahiina keena hanoo dagaalamane, marka nolosha ayay ku cariiriyeen dadkaas" ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xildhibaanka Warsame ayaa sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku amaanay mudnaanta uu siiyay la dagaalanka kooxda Al-shabaab oo uu sheegay in dalka ka hortaagan tahay horumar kasta oo la sameyn lahaa.

Hadalkaan kasoo yeeray Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo beegmaya, iyadoo wali gobolada dalka ay ka jiraan abaaro baahsan oo saameeyay dadka iyo duunyada, islamarkaana dowladda dagaalo ka dhan ah Al-shabaab ka wado inta badan gobolada dalka.