4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 10, 2023
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya
 

Jimco, Maarso, 10, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kulan gaar ah kula qaatay Xafiiskiisa magaalada Muqdisho sii hayaha Safaarada Ingiriiska ee Soomaaliya Ed Barnett.

Kulankaan dhexmaray guddoomiye Aadan Madoobe Ed Barnett ayaa ahaa mid diirada lagu saaray xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeyaya labada dowladood, gaar ahaan wadashqeynta Baarlamaanada Soomaaliya iyo Ingiriiska.

Waxaa sido kale kulanka looga hadlay shuruucda muhiimka ah ee xubnaha Golaha Shacabka hortaala iyo kuwa ay ansixiyeen todobaadyadii la soo dhaafay, islamarkaana uu saxiiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sii hayaha Safaaradda Ingiriiska Ed Barnett ayaa dhankiisa ku amaanay guddoomiyaha Golaha Shacabka guushii uu ka soo hooyay shirkii dib u heshiisiinta ee bilawgii sanadkan ka dhacay magaalada Baydhabo, kaasoo xal waara looga gaaray khilaafkii ka taagnaa kala aragti duwanaashaha siyaasadeed ee u dhaxeeyay siyaasiyiinta kaasoo jeeda deegaanadaas iyo madaxda maamulka Koonfur Galbeed.

Kulankaan dhexmaray guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo sii hayaha Safaarada Ingirsiiska ayaa qeyb ka noqonaya kulamo uu dhawaanahaan dambe uu guddoomiyaha Golaha Shacabka uu la qaadanaayay xubnaha beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya.