4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 1 , 2023
Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo goordhaw Muqdisho ku dilay Darwal Mooto Bajaaj
 

Arbaco, Maarso, 1, 2023 (HOL) - Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa goordhaw ku dilay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mooto Bajaaj.

Askariga dilka geystay ayaa la sheegay inuu horay u ka xeystay Mootada marxuumka dhintay, waxaana goobta dilka uu ka dhacay banaanbax ka sameeyay qaar ka md ah wadayaasha Mooto Bajaajta oo ka cabanaayay dilka loo geystay wadaha Bajaajta.

"Dilalka ay Muqdisho ka wadaan askarta dowladda waa mashruuc ee maahan wax iska dhacaya askarta mashruuc ayay kusoo qaadatay dilka ay nagu hayso hadaan nahay Bajaajleey" ayuu yiri mid ka mid ah Darawalada Bajaajta ee banaanbaxa dhigayay.

Dilkaan loo geystay Bajaajlaha ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Shalay sidaan oo kale askari ka tirsan ciidanka dowladda uu Isgoyska Soobe ku dilay wiil dhalinyaro ahaa oo ku shaqeysanayay Mooto Bajaaj.

Si kastaba ha ahaatee waxaa magaalada Muqdisho muddooyinkii dambe kusoo badanaayay dilalka ay geysanayaan askarta ciidanka dowladda federaalka oo ay u geysanayan Darawalada Mooto Bajaajta, kuwaasi oo dhibaneyaal u noqday askarta dowlada.