4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 1 , 2023
Puntland oo ku amartay shirkadda Somtel inay joojiso adeegga internetka ee Fiber Optic

Arbaco, Maarso, 1, 2023 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa ku amray shirkadda isgaarsiinta ee Somtel inay joojiyaan qodaalka xarkaha isgaarsiinta internetka ee Fiber Optic.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in cillad maanta ku timid adeegga internetka iyo lacagaha danabaysan ee shirkadda GOLIS ay sabab u ahayd inuu go’ay xarrigii Fiberka ee shirkadda Golis.

Wasaaradda warfaafintu waxay ku eedeysay inay xarriga Fibarka Golis jareen hawlwadeenada gacanta ku haya Fiberka Somtel.

Wasaaraddu waxay sheegtay in shirkadda Somtel ay joojiso dhigista xarigga Fiberka ee ay ka wadaan degmada Waaciye ee gobolka Kakaar ee Punland.

Go’aankan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Puntland ayay dadka u arkaan in lagu cuna- qabataynayo shirkadda Somtel oo tartan ganacsi oo weyn kula jirta shirkadda Golis.

Kadib markii saakay hawada uu ka maqnaa adeegga shirkadda isgaarsiinta Golis. Dadku waxay markiiba u wareegeen adeegga shirkadda Somtel, oo ah shirkadda labaad ee ugu weyn Puntland.