4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 1 , 2023
Al-Shabaab oo sheegatay weerarro ay ku dhinteen Ku dhawaad 10 qof oo ka dhacay magaalada Muqdisho
 

Arbaco, Maarso, 1, 2023 (HOL) - Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ugu yaraan toban qof ay ku dileen weerarro kala duwan oo xalay ka dhacay labo degmo oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Kooxda ayaa sheegtay in weerarradan ay ku bartilmaameedsadeen dad ay sheegeen in ay ka ganacsadaan daroogada, dhallinyaro ciyaal weero ah iyo kooxo burcad ah.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa sheegtay in kooxda ay weerar ku qaadeen dukaamo yar yar oo lagu iibiyo waxyaabaha maanka dooriya oo ku yaalla degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay goob ganacsi oo ku taalla xaafada Cali Turcaaye, halkaasi oo afar ruux ay ku geeriyoodeen. Halka weerarka labaad uu ka dhacay xaafada Godey ee degmada Yaaqshiid, ayna ku dhinteen dad kale.

Booliska dowladda Soomaaliya ma aysan xaqiijin in goobaha ay Al-Shabaab weerareen lagu iibinayay ama lagu keydinayay waxyaabaha maanka dooriya.

Kooxda Al Shabaab ayaa axadii lasoo dhaafay gudaha u galay dukaan yar oo ku yaalla isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku dileen labo wiil oo dhalinyaro ah, halka ay ku dhaawacmeen labo kale.

Dhallinyarada ciyaal weerrada ayaa muddooyinkii dambe kusoo batay magaalada Muqdisho. Khubarada dhanka ammaanka ayaa aaminsan in Al-Shabaab ay isku dayeyso inay ka faa’ideysato dadka deegaanka iyagoo u dhaqmaya sidii koox feejigan oo sharciga ilaalisa.