4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 1 , 2023
Hay'adda Boqor Salmaan oo Soomaaliya ka caawinaysa Ogsajiinta carruurta
 

Arbaco, Maarso, 1, 2023 (HOL) - Xarunta Gargaarka Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan ayaa heshiis la saxiixatay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, heshiiskaas oo ku saabsan bixinta Ogsajiinta carruurta, si loo yareeyo dhimashada carruurta Soomaaliyeed.

Mashruucaan ayaa ku kacaya $2 milyan.

Heshiiskan ayaa waxaa dhanka kale u saxiixay ku xigeenka agaasimaha guud ee howlaha iyo barnaamijyada Ahmed bin Ali Al-Beez iyo Dr. Ahmed Al-Mandari oo ah agaasimaha gobolka ee WHO ee bariga Mediterranean-ka.

Heshiisku waxa uu wax ka tari doonaa dhimista dhibaatooyinka neef-mareenka iyada oo carruurta la siinayo Ogsajiinta caafimaad ee loo baahan yahay in lagu daweeyo xaaladaha sambabada.

Waxay ujeedadeedu tahay in la yareeyo dhimashada carruurta Soomaaliyeed ee cudurrada faafa. Intaas waxaa dheer in la siiyo dawooyinka antibiyootiga iyo agabka caafimaadka bukaannada qaba cudurrada daba-dheeraada sida dhiig karka, sonkorowga iyo cudurrada kale, iyo sidoo kale  ambalaasyada si loogu qaado kiisaska halista ah.

Heshiiskan ayaa ujeeddadiisu tahay in la taageero lana xoojiyo tayada caafimaadka Soomaaliya.