4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 1 , 2023
Al-shabaab oo xaalad adag ku wajahaya dhulka lagu go’doomiyay ee Koonfurta Mudug
 

Arbaco, Maarso, 1, 2023 (HOL) - Iyadoo dhawaan ay shaaciyeen Saraakiisha ciidanka xoogga dalka in Al-shabaab ay ku go'doomiyeen dhulka keymaha ah ee ku yaala Koonfurta gobolka Mudug ayaa hadana waxaa soo baxaya warar sheegaya in dagaalamayaasha la go'doomiyay iney keymaha duurka ah ugu dhimanayaan gaajo iyo haraad.

Wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Macalin Yaxye ayaa Warbaahinta qaranka u sheegay in Al-shabaab gaajo iyo haraad ugu dhimanayaan dhulka keymaha leh ee lagu go'doomiyay.

“Khawaarijta waxay markii hore gabaad ka dhigan jireen shacabka, iyaga oo dhac, boob iyo dhibaatayn joogto ah ku hayay dadka masaakiinta ah, taasoo sababtay in shacabku ka hor yimaadaan islamarkaana ay waayaan meel ay ku dhuuntaan oo ay ka helaan waxay cunaan” ayuu yiri Wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Maxamuud Macallin Yaxye.

Wasiiru dowlihii hore ee Diinta iyo Awqaafta ayaa sidoo kale sheegay in guulaha laga gaaray dagaalada ka dhanka ah kooxda Shabaab ay doorweyn ka qaateen dadka shacabka ah oo dagaalo fool ka fool ah la galay kooxda Al-shabaab, isagoona ku baaqay in la dajiyo qorshahii keymaha looga saari lahaa dagaalamayaasha kooxda ee ku dhuumaaleysanaya.

“Maadaama looga adkaaday weerarada tooska ah waa in dowladda dejiso qorshihii looga saari lahaa goobaha keymaha oo ay u carareen iyo godadka ay ku dhuumaleysanayaan oo aan la fududeysan, waxa suurta gal ah inay dib iskaga soo abaabulaan keymaha iyo meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan waa in dhaqso looga howlgalo" ayuu yiri Wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Maxamuud Macallin Yaxye.