4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 1 , 2023
Dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya oo war murtiyeed kasoo saaray xaaladda Laascaanood
 

Arbaco, Maarso, 1, 2023 (HOL) - Wakiilo ka kala socday dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Qatar, Imaaraadka Carabta iyo Turkiga ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin colaadda ka taagan magaalada Laascaanood, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saareen.

"La-hawlgalayaashu waxay walaac ka muujiyeen iskahorimaadka socda. waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay u hoggaansamaan xabbad-joojinta,"ayaa lagu yidhi warkan.

Waxay muujiyeen taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee diiradda saaraysa la-dagaalanka argagixisada iyo kobcinta awoodda.

Waxa ay ka wada hadleen sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo u diyaar garowga ka bixitaanka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Waxaa la isku raacay in la xoojiyo isku xirka kaalmada amniga caalamiga ah iyo muhiimadda ay leedahay in la hubiyo in waqtiga ku habboon ee gargaarka la gaarsiiyo meelaha la xoreeyay.

Waxay go'aansadeen inay taageeraan dadaallada Soomaaliya ay ku doonayso inay buuxiso halbeegyada maamulka hubka iyo rasaasta si Golaha Ammaanka uu si buuxda uga qaado xakameynta hubka ee Soomaaliya.