4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 4 , 2023
Dagaal geystay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay gobolka Mudug
 

Axad, Juun 4, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaaro geystay oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay duuleedka deegaanka Afbarwaaqo ee gobolka Mudug.

Dagaalkaan dhexmaray labada maleeshiyo beeleed oo ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa u dhaxeeyay maleeshiyaad kaasoo kala jeeda maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalkaan oo xoogiisa uu dhacay galinkii dambe ee Shalay ayaa lasoo warinaya iney ku dhinteen dad gaaraya 8 ruux oo isugu jira labaxa dhinac iyo dhaawac 5 ruux oo kale oo ay ka mid yihiin dad shacab ah oo rasaasta ugu tagtay aqaladooda.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno deegaanka Afbarwaaqo ayaa sheegaya in wali duuleedka deegaankaasi laga dareemayo xaalad kacsanaan ah, islamarkaana sida dadka deegaanka ay sheegayaan la filan karo in mar kale uu dib u qarxi karo dagaalka u dhaxeeya labada maleeshiyo beeleed.

Ma jirto wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha laamaha amaanka oo ku aadan dagaal beeleedka khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca geystay ee ka dhacay gobolka Mudug ee maamulka galmudug.