4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 4 , 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka qeyb galay caleemo saarka madaxeynaha Turkiga

Axad, Juun 4, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo dhawaan dib loo doortay.

Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud ayaa kamid ahaa wafuuda 78 waddan oo lagu casuumay caleemo saarka madaxweyne Erdogan.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan guusha ay ka soo hoyeen doorashooyinka dalkaas.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay dowladda Turkiga horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen intii uu hoggaaminayey Madaxweyne Ordogan.

Xasan Sheikh wuxuu u rajeeyay in ay sii amba-qaadaan qorsheyaashooda horumarineed ee heer Qaran iyo garab istaagga xasilloonida iyo horumarka dalalka ay saaxiibada yihiin.

Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamada xiriirka ugu wanaagsan la leh Turkiga, halka ay ku taallo caasimadda Muqdisho safaaradda ugu weyn ee Turkiga uu caalamka ku leeyahay.

Sidoo kale, Turkiga ayaa gudaha Soomaaliya ku leh mid kamid ah xarumaha ugu weyn adduunka ee bixiya adeegga tababarka ciidanka.