4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 3 , 2023
Xujaaydii ugu horeysay ee Soomaaliyeed oo Maanta u ambabaxay dalka Sacuudiga
 

Sabti, Juun 3, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa  ka ambabaxay Xujaaydii ugu horeysay ee Soomaali ah, si ay u soo gutaan waajibaadka Xajka ee sanadka 1444 Hijriya.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mukhtaar Rooboow Cali Mansuur ayaa sheegay in Maanta laba duulimaad oo sida Xujaay ah Soomaali ah u ambabaxeen dalka Sacuudiga, kuwaas oo tiradooda gaareyso 587 Xaaji oo ka mid ah Xujaayda sanadkaan soo gudanaya waajibaadka Eebe.

“Maanta waxa uu ilaahey inoo suurageliyay in duullimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed ah in ay safraan, Labo magaalo ayay ka baxeen waa Muqdisho oo labo duullimaad ah & hargeysa oo hal duullimaad ah, Muqdisho waxaa ka ambabaxay 422 xaaji iyo Hargeysa oo ay ka safreen 165 Xaaji, wadartooda waa 587 Xaaji” ayuu yiri Wasiir Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Fedaraalka Mukhtaar Roobow Cali.

Wasiir Rooboow ayaa ku amaanay madaxda dowladda Fedaraalka iney door wanaagsan ka qaateen sidii sanadkaan Xujaayda Soomaaliyeed u heli lahayeen adeegyada ay u baahan yihiin oo dhameystiran.

Xujaayda Maanta ka duushay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa ayaa bilaaw u ah kumaanaan Xujaay Soomaali ah oo sanadkan ka mid noqonaya Muslimiinta gudaneysa waajibaadka Alle ee Xajka.