4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 3 , 2023
Shil tareen oo ay ku dhinteen 230, kuna dhaawacmeen 900 oo ka dhacay India

Sabti, Juun 3, 2023 (HOL) - Ugu yaraan 230 qof ayaa ku dhintay, halka 900 oo kalena ay ku dhaawacmeen, kaddib markii laba tareen oo rakaab ah ay isku dhaceen dalka India.

Shilkan oo ah kii ugu dhimashada badnaa muddo toban sano ka badan, ayaa shalay oo jimco aheyd ka dhacay gobolka Odisha ee dalka Hindiya.

Tirada dadka ku dhintay shilka ayaa la filayaa inay sii korodho, sida uu Twitterka ku sheegay xoghayaha guud ee gobolka Pradeep Jena.

Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa sheegay in goobta shilku ka dhacay la soo gaarsiiyey in ka badan 200 oo ambalaas ah oo ka tirsan degmada Balasoore ee Odisha, iyadoona la diyaariyey 100 kale oo dhakhaatiir ah.

Muuqaal fiidiyow ah ayaa muujinaya samatabbixiyeyaal kor u fuulaya mid ka mid ah tareenada isku dhacay si ay u sameyaan badbaado, halka rakaabku ay dalbadeen gargaar iyagoo ku ag ooyeen burburka.

Shilku waxa uu dhacay abbaaraha 7pm wakhtiga maxaliga ah (13:30 GMT) jimcihii.

Hawlgal ballaaran oo baadigoob iyo samatabbixin ah ayaa socda. Waxaana howgalladaasi ka qayb qaadanaya boqolaal ka tirsan shaqaallaha waaxda dab-damiska, saraakiil booliis iyo eeyaha wax uriya. Sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa kooxaha ka hortaga masiibooyinka qaranka.

Mid ka mid ah dadkii badbaaday ayaa ka sheekeeyay riyooyinkiisii isagoo soo jeeda markii gaadhigii uu ku hurday uu qalibmay.

"Hurdadayda ayaan ka booday, 10-15 qofna way igu kor dhaceen," ayuu u sheegay suxufiyiinta, isagoo fadhiya dhulka mugdiga ah, oo tallaabo u jirta goobta shilku ka dhacay."

Jimcihii, boqollaal dhallinyaro ah ayaa safaf dhaadheer u galay bannaanka isbitaalka dowladda ee Odisha’s Soro si ay ugu deeqaan dhiig.

Sababta shilkan ayaa la baarayaa, ayuu yiri Amitabh Sharma, oo ah afhayeen u hadlay Tareennada Hindiya. Faahfaahinta shilkan ayaan si rasmi ah loo ogeyn, sidoo kale ma cadda sida uu u dhacday shilka.

Madaxa Odisha Naveen Patnaik, oo la filayo inuu booqdo aagga maanta, ayaa sheegay in mudnaanta ay tahay "in dadka nool la geeyo isbitaallada. Taasi waa walaacayada ugu horreeya - inaan ilaalino kuwa nool. "

Sudhanshu Mani, oo hore u ahaa maareeyaha guud ee tareenada Hindiya, ayaa u sheegay Al Jazeera in maalgashigu ay galeen dayactirka wadada iyo tallaabooyinka kale ee badbaadada sannadihii la soo dhaafay.

"Shilka maanta waa mid aad looga xumaado," ayuu yiri Mani, isagoo intaa ku daray in tirada dhaawacyadu ay aad u badnaan doonto sababtoo ah tirada dadka saaran tareenada ayaa badnaa.”

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]