7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 27, 2023
Ciidanka ATMIS oo fariisimo cusub ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka


Talaado, Juun, 27, 2023 (HOL) - Iyadoo dhawaan la qorsheynayo in la dhimo tirada Ciidanka ATMIS ee ka howlgalla Soomaaliya, isla markaana la qorsheynayo in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay la wareegan xarumaha muhiim ka ah ee ay ku sugan yihiin Ciidanka ATMIS ( EX AMISOM ) ayaa maanta  Ciidanka Dowladda waxa ay Ciidanka ATMIS, kala waregeen fariisin Ciidan oo ku sugnayeen oo ku yaalla Degmada Cadale ee  Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha guutada 4-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Korneyl. Saney Cabdulle, ayna sidoo kale goob joog ka ahayeen Saraakiil katirsan Ciidanka ATMIS, iyo kuwa Xoogga Dalka, ayuu Taliye Saney Cabdulle kala wareegay Difaacyadii ay ka daganayeen Degmooyinka Mirtaqwo, Xaaji Cali iyo Cadale oo kawada tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hir-shabeelle.

Fariisimihan ay Ciidanka Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS maanta ku wareejiyeen  Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa waxa ay ku sugnayeen dhowrkii sanno ee la soo dhaafay, waana fariisimihii saddexaad ee lagu wareejiyo Ciidanka Xoogga Dalka, isla markaana arrintan lagu sheegay in qeyb ka tahay dhimista 2000 ee askari ilaa 30-ka Juun ee 2023.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay qaraar kasoo baxay biloowgii sanadkan waxaa lagu sheegay in 2024-ka ay Ciidanka ATMIS, ka bixi doonaan Soomaaliya, isla markaana ay amaanka Dalka la wareegi doonaan Ciidanka Xoogga Dalka.

Sikastaba tan iyo markii ay Dowladda ku dhawaaqday Howlgalka Al-shabaab waxaa kooxda laga saaray deegaanno iyo Degmooyin muhiim ah oo ay kaga sugnayeen qaar kamid ah Gobollada Dalka.