7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 27, 2023
Somaliland: Argagixiso iyo Puntland ayaa weerar waxashnimo ah kusoo qaaday ciidankayaga
 

Talaado, Juun, 27, 2023 (HOL) -  Somaliland ayaa sheegtay in kooxo argagixiso ah, ciidamada deegaanka iyo ciidamada Puntland ay weerar kusoo qaadeen ciidamadeeda ku sugan gobolka Sool.

"Saaka subaxdii isbabaysi nacasnimo ah oo ka kooban maleeshiyaadka Laascaanood, Puntland iyo koox argagixiso ah oo caan ah, ayaa weerar waxashnimo ah kusoo qaaday ciidamada Somaliland ee Sool ku sugan" ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed kasoo baxday wasaarada gaashaandhiga.

Wasaarada gaashaandhigu waxay sheegtay in ay cambaaraynayso weerarka, isla markaana ay u aragto talaabo gardaro ah, oo khatar ku ah amniga iyo daganaanshaha Somaliland.

Waxay intaa ku dartay in kadib markii weerarka lagu soo qaaday anay ciidamada Somaliland haysan dookh aan ahayn in ay isdifaacaan, isla markaana ay burburiyaan awooda ciidamada soo weeraray, ayna si guul leh uga jawaabeen.

"Sida aanu ka helnay ilo sirdoon, ujeedada huwanta weerarka soo qaadaysa waxa weeyaan in ay Laascaanood ka dhigtaan xarun ay kasoo qaadaan weeraro argagixiso, hadii qorshahan qaldan la ogolaado in uu socdo, kaliya khatar ma galinayo badqabka muwaadiniintayada, sidookale wuxay dhaawacaysa nabadii aanu dadaalka galinay" lagu yidhi warsaxaafadeeda.

Waxay xustay in xukuumada Somaliland ay isku dayi doonto talaabo kasta oo lagaga hortagayo waxa ay ugu yeedhay qorshe la rabo in nabada lagu dhaawaco, si loo ilaaliyo daganaanshaha iyo madaxbannaanida Somaliland.

Ugu danbayn, beesha caalamka, ururada gobolka iyo waddamada jaarka ayay Somaliland ka codsatay in ay gacan kasiiyaan la dagaalanka waxa ay ugu geedhay gardaro nacasnimo ah.