7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 27, 2023
Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Gedo oo Maanta gaaray magaalada Garbahaareey
 

Talaado, Juun, 27, 2023 (HOL) -Guddoomiyaha cusub ee gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac Shimbir oo uu dhawaan magacaabay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaaray ee xarunta gobolka Gedo oo horay dhowr jeer looga hor istaagay inuu tago.

Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac Shimbir oo 7-dii bishaan June loo magacaabay xilka guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa maanta soo dhaweyn diiran loogu sameeyay gudaha magaalada Garbahaareey.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin guddoomiyaha degmada Garbahaareey iyo guddoomiye ku xigeenkiisa gobolka ee dhanka amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta  kuso dhaweeyay magaalada Garbahaareey guddoomiyaha cusub ee gobolkaas.

“Wax badan oo dadka wax taraya ayaan qaban doonaa oo dib u heshiisiinta ku jirto, wadatashi ku jiro, cid walba oo reer Garbahaaray ah xor ayay u tahay inay imaato magaalada oo aad ogtihiin anniga in lay celceliyay dhowr jeer , laakin hadda kaddib cidna lama celin doono, xata qolyihii aniga i celinayay way imaan karaan waa fasaxan yihiin" ayuu yuri guddoomiyaha cusub ee gobolka Gedo Cabdullaahi Shimbir.

Si kastaba ha ahaatee maamulkaan cusub ee uu Gedo u magacaabay madaxweynaha Jubbaland ayaa tan iyo magacaabistoodii waxa ay la kulmayeen culeysyo kaga imaanayay qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo shacabka reer Gedo oo saluug badan ka qaba maamulka Jubbaland.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulkii hore ugu magacawna gobolka Gedo oo si weyn u diidana magacaabista maamulka cusub ee Maanta gaaray magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolkaas.