7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 27, 2023
Dagaal culus oo mar kale dib uga qarxay magaalada Laascaanood
 

Talaado, Juun, 27, 2023 (HOL) - Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC, ayaa haatan ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Waxaa lagusoo warramayaa inuu dagaalku ka culus yahay dagaalladii maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay magaalada Laascaanood.

Lama oga sababta uu dagaalkan ku bilowday, hase ahaatee warar aanu helnay waxay sheegayaan inuu dagaalku ku bilowday madaafiic labada dhinac ay isweydaarsadeen.

Dagaalku wuxuu haatan ka socdaa aagga bari ee ay maalmihii ugu dambeeyay dagaalladu ay ka dhacayeen.

Rasaasta la isku adeegsanayo ayaa si toos ah usoo gaaraysa magaalada Laascaanood gudaheeda, inkastoo magaalada badi laga barakacay.

Somaliland ayaa dhawaan ku goodisay inay gudaha u galayso magaalada Laascaanood, iyadoo sheegtay inuu ka dhamaaday dulqaadkii ay u haysay waxay ugu yeertay duullaankii lagusoo qaaday magaalada Laascaanood.

Wixii warar ah oo kusoo kordha kula socda wararkeenna soo socda.