7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 27, 2023
Hooyada dhashay Ikraan Tahliil oo madaxweyne Xasan Sheikh ka dalbatay caddaalad
 

Talaado, Juun, 27, 2023 (HOL) - Labo sano ayaa laga joogaa markii la waayay Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd sarkaal ka tirsanayd hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA, taasoo markii dambe NISA ay sheegtay inay afduubteen oo ay dileen Alshabaab.

Markii la waayay, 26-kii bishii June 2021, waxay ka shaqaynaysay waaxda amniga internetka ee hay’adda NISA.

Qaali Guhaad oo ah hooyada Ikraan Tahliil Faarax ayaa wareysi ay bixisay waxay ku sheegtay in aanay weli helin caddaaladda gabadheeda. Waxay sheegtay in aanay jirin weli cid ka hadashay kiiska gabadheeda.

Hooyadan ayaa ka dalbatay madaxweyne Xasan Sheikh inuu gabadheeda la raadiyo, una sheego nolol iyo geeri midka ay ku sugan tahay.

Qaali Guhaad waxay sheegtay in siyaasiyiin badan oo horey ugu ballanqaaday inay garab istaagidoonaan, markii ay xilal qabeen in ay ka aamuseen kiiska gabadheeda.

Madaxweyne Xasan Sheikh iyo taliyaha nabad sugidda ee NISA, Mahad Salaad ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta aad uga hadli jiray kiiska Ikraan Tahliil, iyagoo ku eedeynayay taliyihii hore ee hay’adda NISA, Fahad Yaasiin.

Tan iyo markii uu madaxweyne Xasan Sheikh noqday madaxweynaha dalka, marna dowladdiisa kama hadlin kiiska Ikraan Tahliil. Sidaas waxaa lamid ah taliyaha NISA.