7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 27, 2023
In ka badan 2 Milyan oo Xujaay ah oo Maanta taagan Buurta Carafo
 

Talaado, Juun, 27, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta oo Talaado ah taagan Buurta Carafo ku dhawaad 2 Milyan iyo bar Muslimiin ah oo gudanaya mid ka mid ah rukniyada ugu waa weyn arkaanta Xajka.

Muslimiinta Maanta taagan Buurta Carafo ayaa halkaasi ku gaaray gaadiid loogu talo galay iney u adeegaan Xujaayda, iyadoo ay xusid mudan tahay in qaarkood ay lug ku tagaan.

Xujaayda Sanadkaan gudaneysa waajibaadka Alle ee ku sugan dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa la tilmaamay iney yihiin tiradii ugu badneyd abid oo Muslimiin ah oo Xajisa, waxaana dowladda Sacuudiga ay shaacisay in ay u diyaarisay Xujaayda dhamaan adeegyada ay u baahan yihiin.

Xujaayda haatan saaran Buurta Carafo ayaa lagu wadaa in Duhurka kasoo degi doonan Buurta si ay u gutaan Salaadaha Duhurka iyo Casirka oo lasoo gaabiyay mar qurana ay wada dukanayaan, islamarkaana ay dib ugu laaban doonaan Buurta oo ay saarnaan doonaan illaa gabal dhaca Maanta.

Si kastaba ha ahaate Sanadihii ugu dambeeyay waxaa yaraa tirada Xujeyda, taasoo keentay cabsida laga qabay saameynta uu reebay Xanuunka Covid-19 oo dhaliyay xayiraad looga hortagayo cudurka faafitaankiisa.