7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 27, 2023
Puntland oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay horjoogayaal katirsan kooxda Daacish
 

Talaado, Juun, 27, 2023 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay inay gacanta kusoo dhigtay horjoogayaal katirsan kooxda Daacish, kaddib howlgal ay ciidanku ka sameeyeen degaanka Camaamo oo ka tirsan degmada Balidhidin ee Gobolka Bari.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka booliiska Puntland, ayaa lagu sheegay in horjoogayaasha gacanta lagusoo dhigay ay kasoo jeedaan dalalka Suudaan & Suuriya,.

Booliiska ayaa sheegay in horjoogayaasha lasoo qabtay uu kamid yahay Maxamed Ibraahim Daaha oo u dhashay dalka Suudaan. Booliiska ma bixin macluumaad badan oo ku saabsan sarkaalkan.

Horraantii Bishii January, 2023, ayaa Laamaha amniga Puntland ayaa ku guuleystay inay dilaan madaxii hawlgallada Daacish, Abu Albara Al Amani oo u dhashay gobolka Amxaara ee dalka Itoobiya.

Daacish ayaa saldhigyo qarsoodi ah ku leh buuralayda Cal-miskaad ee gobolka Bari, waxayna marar badan  weerareen degmada Balidhidhin oo kutaala cirirfka fog ee gobolka Bari.