7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 27, 2023
Booliiska Soomaaliya oo soo bandhigay nin la sheegay inuu hoggaaminaayay weerar qalqal galin ah oo ka dhacay Muqdisho
 

Talaado, Juun, 27, 2023 (HOL) - Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay nin ay sheegeen inuu hoggaaminaayay weerar qalqal galin ah oo loo adeegsaday gantaalo macmal ah oo Axadii lagu qaaday xerada Xalane iyo garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid loo adeegsaday gantaalo macmal ah oo ay kooxda Al-shabaab ku dooneysay iney ku qalqal galiso shacabka ku nool Muqdisho.

Ninka la sheegay inuu hogaaminaayay weerarka gantaalada lagu tuuray xerada Xalane iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa magaciisa Booliiska uu ku sheegay Xuseen Cali Deerow Buule, kaasoo la tilmaamay in haatan ay ku socoto baaris, islamarkaana natiijada baaristiisa lasoo bandhigi doono.

"25-6-2023 abaaro 11:30 am, ayaa Khawaarijtu waxay weerar gantaalo macmal ah ku qal qal galiyeen shacabka caasimadda kuwaas oo aan wax dhibaato ah geysan. Howlgal deg deg ah oo ay fuliyeen Ciidammada sugida amniga Caasimadda ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen dhagarqabe hogaaminayay maleeshiyaadka weerarka soo qaaday, waxa uuna magaciisa ku sheegay Xuseen Cali Deerow Buule baaris kadibna waxaa la horgeyndoonaa Maxkamada Awooda u leh" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir.

Qoraalka kasoo baxay Booliiska ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ay ka hortageen oo ay burburiyeen gantaalo kale oo rakiban aan wali la ridin.

"Ciidamadu waxay ka hortageen gantaalo rakiban oo aan wali labridin, waxaana qantaaladii lagu burburiyay goobta halka baaris ay ku socoto dhagarqabihii la soo qabtay" ayaa lagu yiri qoraalka Booliiska.

Gabagabadii Booliiska ma sheegin goobta ay kasoo qabteen ninkaan ay soo bandhigeen iyo halka ay gantaalada macmalka ah ugu tageen oo ay ku burbiyeen meesha ay ka tahay magaalada Muqdisho.