7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 24, 2023
Ahlu Sunna Waljamaaca oo Guriceel kaga dhawaaqday iney u diyaar garoowday la dagaalanka Al-shabaab
 

Sabti, Juun, 24, 2023 (HOL) - Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee fadhigoodu yahay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa ku dhawaaqay iney ka qeyb qaadanayaan wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo ay wado dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Mid ka mid ah Culimada Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa magaalada Guriceel Shalay salaadii Jimce kadib sheegay iney u diyaar garoobeen sidii ciidanka dowladda Soomaaliya ugu garab istaagi lahayeen dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-shabaab.

"Dowllada waxaan ugu baaqeyna iney  aqoonsato doorka Culimada Ahlu Sunna ee dhismaha qaranka, sidoo kale Culimada iney kala tashato la dagaalanka kooxda al-shabaab, waxaan diyaar u nahay inan gacan weyn ka geysano la sagalaanka khawaarijta" ayuu yiri mid ka mid ah Culumadda Ahlu Sunna.

Wasiir ku xigeenka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya Saalax Sheekh Cali oo ku sugna fagaare looga hadlaayay arrimaha la dagaalanka shabaab ayaa hoosta ka xariiqay in fariinta Ahlu Sunna uu gaarsiin doono madaxda dowladda Federaalka, isagoo caddeeyay in wejiga labaad ee howlgalka uu dhowaan bilaaban doono.

Culimadda Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa horay ugu soo caan baxday la dagaalanka kooxda Al-shabaab oo ay horay uga xureeyeen inta badan deegaanada maamulka Galmudug, islamarkaana halkaasi mudan badan ka talin jirtay.