7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 24, 2023
SSC-Khaatumo oo sheegtay in ciidamada Somaliland duqayn aan kala sooc lahayn ka gaysteen Laascaanood
 

Sabti, Juun, 24, 2023 (HOL) -  SSC-Khaatumo ayaa Somaliland ku eedaysay in ay Laascaanood ka gaysteen duqayn aan kala sooc lahayn oo sababtay dhimasho dad shacab ah iyo burbur.

"Maleeshiyaadka Somaliland waxay soo celiyeen duqayn toodii aan kala sooca lahayn ee Laascaanoood, taasi oo sababtay dhimashada dad shacab ah iyo burbur dhismayaal" ayaa lagu yidhi Qoraal ay soo saareen Golaha SSC-Khaatimo.

Qoraalka SSC-Khaatumo waxa lagu sheegay in Somaliland ay ka dhabaysay hanjabaadii  uu taliyaha millaterigu jeediyay 18 bishan, isla markaana ay qaadeen duqayn aan kala sooc lahayn,  madaxda Somaliland-na ay galayaan danbiyo dagaal.

SSC-Khaatimo ayaa dowlada Soomaaliya iyo beesha caalamka ugu baaqday in ay masuuliyad iska saarto ilaalinta shacabka Laascaanood, isla markaana dadka danbiyada galaya cadaalad la mariyo, ayaa lagu yidhi qoraalka.

Lama yaqaano sida ay saaka wax ku bilowdeen, isla markaana warbaahinta qaar kood ayaa sheegaysa in madaafiic labada dhinac iswaydaarsadeen, halka kuwa kale ay sheegayaan in Somaliland ay si iskeeda u duqaysay qaybo magaalada kamid ah oo lagu tuhmayo in ay joogaan ciidamada SSC.

Colaada ayaa hada socota sannad badhkii mana muuqato wax waan waan toos ah oo ilaa iyo hada lagu xalinayo, waxaana guuldaraystay dhamaan dadaalo lagu raadinayay in lagu dajiyo xiisada,  sidookale, baaqyo kasoo baxay beesha caalamka iyo Golaha Amaanka, ayaan waxba xaalada ka badalin.