7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 24, 2023
Jenaraal Biixi oo faahfaahin ka bixiyay sababta ka dambeysa xilka qaadista lagu sameeyay
 

Sabti, Juun, 24, 2023 (HOL) - Taliyahii hore ee ciidanka dhulka Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi oo maanta ka hadlaayay munaasabad uu xilka ku wareejinayaay ayaa ka hadlay sababta keentay xilka qaadistiisa.

Jenaraal Biixi ayaa shaagay in xilka qaadista ay tahay sunno oo xilka laga qaadi karo, hayeeshee waxa uu u sababeeyay xilka qaadistiisa iney la xariirto arinta qadiyadda gobolka Gedo, balse uusan garaneyn sababta xilka looga qaaday Jenaraal Odawaa Yuusuf.

"Aniga waxaa la ii badalay oo xilka la iiga qaaday waan aqaan waa Qadiyada gobolka Gedo, Siyaasadda hadii ay xumaato waa Bulaacad waxaa kasoo baxayana waa Qabiil, siyaasadda hadii ay wanaagsanato waa ay carfeysa hadii ay xumaatana waa bulaacad qaraxday oo kale" ayuu yiri Jenaraal Biixi.

Wuxu sidoo kale tilmaamay Jenaraal Biixi in loo baahan yahay in siyaasada iyo ciidanka la kala saaro si dalka uu horumar u gaaro.

"Maalintaimid Xafiiska taliska ciidanka Lugta ma jirin hal waax oo shaqeyneysay oo guno qaadaneyaay, maantana in ka badan 13 xafiis ayaa si rasmi ah u shaqeynaya oo mushaar qaata, taasina waxaa igu gacan siiyay taliyaha la badalay Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage" ayuu yiri Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi.

Wuxuu amaan balaaran ka dul dhacay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleeyda oo uu sheegay iney yihiin  geesiyaal dalkooda iyo dadkooda u dhimanaya, isagoona ku bogaadiyay iney sii wadaan howlaha horyaala, islamarkaana uu dhankiisa lasii shaqeyn doono isagoo shacab ah.