7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 24, 2023
Gaari dad shacab ah saarnayeen oo miino kula qaraxday gobolka Gedo

Sabti, Juun, 24, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Uunsi oo u dhaxeeya magaalooyinka Baledxaawo iyo Dooloow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Manata halkaasi uu ka dhacay qarax miino oo qabsaday gaari ay saarnayeen dad shacab ah.

Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ayaa haleelay gaariga ay saaranayeen dadka shacabka ah oo ahaa dad safar ahaa, waxaana qaraxaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka masaafurka ahaa.

Inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku geeriyootay qaraxa haleelay gaariga dadka safarka ah la socdeen, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay sadax ruux oo kale.

Dadka dhaawacyada ah ayaa la geeyay Isbitaal ku yaala magaalada Dooloow ee gobolka Gedo, waxaana lasoo warinaya in qof ka mid ah dadkaasi uu dhaawaciisu yahay mid daran.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka gobolka Gedo iyo kan Jubbaland oo ku aadan qaraxa maanta ka dhacay deegaanka Uunsi ee gobolka Gedo, waxaana qaraxaan uu qeyb ka noqonaya qaraxyo miino oo sidaan oo kale horay u haleeelay gawaari dadweyne oo ku safraayay deegaano ka tirsan gobolka Gedo, kuwaas oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad shacab ahaa oo wadada ku safraayay.