7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 24, 2023
Imaaraadka Carabta oo walaac weyn ka muujiyay kororka weerarrada kooxda Al-Shabaab
 

Sabti, Juun, 24, 2023 (HOL) - Sheikh Shakhboot Bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in falalka argagixisanimo, gaar ahaan weerarada Al-Shabaab, ay yihiin khataraha ugu weyn ee Soomaaliya ku wajahan gaarista hammigeeda siyaasadeed iyo dhaqan dhaqaale.

"Saddexdii bilood ee ugu horreeyay 2023, tirada dhacdooyinka la xidhiidha argagixisanimada waxay dhaafeen dhammaan celcelis ahaan saddexdii biloodba mar la diiwaan geliyay tan iyo 2016," ayuu yiri Sheikh Shakhboot Bin Nahyan.

Wuxuu sheegay in Imaaraadku uu aad uga walaacsan yahay kororka weerarrada ay Al-Shabaab ku beegsanayaan dadka rayidka ah iyo kuwa amniga ka shaqeeya, oo ay ku jiraan  ATMIS iyo ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Sheikh Shakhboot Bin Nahyan Al Nahyan ayaa beesha caalamka ka codsaday in la taageero sare u qaadida jawaabaha bini’aadantinimada iyo isbedelka cimilada ee Soomaaliya.

Bin Nahyan oo ka hadlayay shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la caawiyo Soomaaliya si wax looga qabto xaaladda malaayiinta Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha iyo barakaca.

Wuxuu sheegay Imaaraadka Carabta inay ka go’an tahay taageeridda hiigsiga qaran ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta dib u heshiisiinta, dib u cusboonaysiinta nidaamka doorashada, iyo sare u qaadida wadashaqeynta Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada iyadoo loo marayo Golaha Wadatashiga Qaran.