7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 24, 2023
Wasiirka warfaafinta Puntland: Doorashada madaxweynaha xilligii aan u garano ayaan qabanaynaa
 

Sabti, Juun, 24, 2023 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in doorashada madaxtooyadu dhicidoonto xilligii ay iyagu u gartaan inay ku dhacdo.

Wasiirka  ayaa caddeeyay in Puntland aysan dib ugu laaban doonin doorasho qabiil, isagoo sheegay go’aanka doorashada inuu horyaallo guddiga doorashada iyo xisibiyada soo baxa.

“8 january, 24 sano ayaa qabiil wax lagusoo dooranayay. War qabiilka waa laga gudbay. Qofkii qabiil doonaya baadiyaha ha gudbo,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Wasiir Dirir ayaa sheegay dadka doorashada kasoo horjeeda inay yihiin kuwa diiday inay ururada siyaasada ku biiraan, kuwaas oo uu sheegay inay doonayaan inay qabiil iyo tare ku raadiyaan hoggaaminta Puntland.

Hadalka wasiirka warfaafinta ayaa kusoo aaday xilli uu khilaaf xooggan ka taagan yahay doorashada, taasoo sababtay gacan ka hadal ka dhacay Garowe.

Kooxaha mucaraadka ayaa doonaya in doorashadu waqtigeeda ku qabsoomto. Sidoo kale waxay kasoo horjeedaan in dasuurka la furo.

Si kastaba ha ahaatee, weli saamayntii ka dhalatay khilaafka labada dhinac ayaa laga dareemayaa magaalada Garowe, inkastoo rajo laga qabo in isimada Puntland oo Garowe kusoo wajahan ay xal ka gaaraan khilaafka taagan.