7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 23, 2023
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo gaaray Baraawe, si uu ugu kuurgalo dagaalkii dhawaan ka dhacay
 

Jimco, Juun, 23, 2023 (HOL) - Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo wafdi la socday ayaa gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose.

Safarka wasiirka ayaa wuxuu ku saabsan yahay dadaal lagu ogaanayo waxa sababay iska hor imaadkii dhexmaray ciidamada ammaanka ee Dowladda federalka iyo kuwa koonfur Galbeed.

Wasiirka gaashaandhigga oo la kulmay ciidamada labada dhinac ayaa sheegay in dalku uu leeyahay hal cadow oo kaliya – oo ah Al-Shabaab. Wuxuna ciidamada ugu baaqay inay isku duubnaadaan oo ay kawada shaqeeyaan wajiga labaad ee dib u xoraynta dalka, gaar ahaan degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Ma ahan wax la aqbali karo in qof kale lagu dilo hub lagu soo gatay lacagta canshuurta ee dadka,” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka ayaa kulamo kala duwan la qaatay saraakiisha ciidamada, isagoo ka xogwareystay dhacdadii Baraawe, isagoo u sheegay in Dowladda federalka ay tallaabo ka qaadayso cid kaste oo masuul ka ahayd shaqaaqadii sababtay dhimashada iyo dhaawaca.

Dhinaca kale, guddi baarlamaanku u saaray dhacdadii Baraawe ayaa laga sugayaa inay warbixin kasoo diyaariyaan xaaladda Baraawe iyo sababta dhalisay dagaalkii dhexmaray ciidamada militariga Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed.