7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 23, 2023
Axmed Yaasiin " Raashinka gargaarka ah ee Itoobiya laga joojiyay waxa uu saameyn wayn ku yeelanayaa dowlad degaanka Soomaalida"
 

Jimco, Juun, 23, 2023 (HOL) - Wasiirka Xafiiska Maareynta Khataraha iyo Masiibooyinka ee dowlad degaanka Soomaalida Axmed yaasiin Sheekh Ibraahim oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gargaarkii kala duwanaa ee USAID ay siin jirtay dalka Itoobiya ee haatan ay joojisay ay saameyn wayn ku yeelanayso dowlad degaanka Soomaalida oo ay ku nool yihiin barakacayaal aad u badan.

Dhinaca kale Wasiirku waxa uu xusay in gargaarkaas ay hay'addu joojisay ay dal ahaan ku tiirsanaayeen 20 Milyan oo qof " Deeqahaas la joojiyay waxaa ku tiirsanaa 20 milyan oo qof dal ahaan, halka degaan ahaana ay ku tiirsanaayeen dad gaaraya 2 milyan iyo 8 boqol uu kun oo qof ' ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in gargaarka raashinka ah ee haatan la joojiyay ay saamayn adag ku yeelanayso degaanka Soomaalida, maadaama uu kusoo hagaagayo go'aankaasi iyadoo aan wali sifiican aan looga soo kaban Abaarihii degaanka ka jiray, oo xoolo badani ku baaba'een dad badanna ku barakaceen, waa siduu hadalka u dhigay Wasiirku.

" Degaanka Soomaalida waxaa ku nool in ka badan 1milyan oo qof oo barakacayaal ah, kuwaas oo qayb kamid ah ay yihiin dadkii kusoo barakacay colaaddii Oromada iyo Soomaalida, iyo kuwo ku barakacay Abaartii degaanka Soomaalida ku dhufatay ee u dambaysay, dhammaaan dadkaasi waxay rabaan in toos loo quudiyo markaa taasina waa culays soo kordhay" ayuu yiri Wasiirka Xafiiska Maareynta Khataraha iyo Masiibooyinka ee dowlad degaanka Soomaalida Axmed yaasiin Sheekh Ibraahim.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa xusay in la wado dadaallo wax looga badalayo qaabka loo qaybiyo raashinka gargaarka ah ay hay'aduhu bixiyaan, wuxuuna sheegay inay rajaynayaan in Maraylanku uu go'aankaas dib uga noqdaan.

Hay'adda USAID oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa sheegtay inay joojisay raashinkii gargaarka ahaa ee aysiin jirtay dalka Itoobiya, iyadoo taana loo sababeeyay in raashinkaasi uusan gaarin dadkii loogu talagalay, arrinkan ayaa lagu sheegay in gobolka Tigray ay oa dhacday oo dad kale ay leexsadeen raashinkii gargaarka ahaa ee loogu talagalay gobolkaasi Tigray, taas oo si guud u saamaysay degaannada kale ee dalka Itoobiya.