7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 23, 2023
Soomaaliya oo sanadkan waddamada Carabta u dhoofisay labo malyan oo xoolo ah
 

Jimco, Juun, 23, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in guud ahaan dalka ay ka dhoofeen in ka badan labo malyan oo xoolo ah oo Ari ah, kuwaas oo loo dhoofiyay dalalka Carabta.

Wasiirka xanaanada xoolaha ee xukuumadda Soomaaliya, Xasan Xuseen Eelaay ayaa sheegay xoolahan inta badan inay ka dhoofeen dekedaha kuyaalla magaalooyinka Berbera iyo Boosaaso.

Wasiirku wuxuu sheegay sanadkan inuu jiro sare u kac dhinaca dhoofka xoolaha, taasoo uu u sababeeyay xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo dalalka Carabta oo soo hagaagay.

Wuxuu kaloo u sababeeyay tirada xujeyda sanadkan oo korordhay, tan iyo sidii loogasoo baxay xayiraadii Koroona Virus.

Wasiir Xasan Eelaay wuxuu sheegay in ka badan hal malyan oo xoolahan kamid ah in loo dhoofiyay dalka Sacuudiga, looguna talo galay xajka maadaama lagu jiro maalmaha Carafo.

Wuxuu sheegay weli inuu dhoofka xoolaha socda.

Bishii march ayay ahayd markii uu Sacuudigu fasaxay dhoofka xoolaha Soomaaliya, kadib muddo sanado ah oo ay xayirnaayeen.

Dhoofka xoolaha ayaa ah mid kamid ah ilaha dhaqaale ee uu dalku ku tiirsan yahay, maadaama ay Soomaaliya kamid tahay dalalka ugu xoolaha badan caalamka.