7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 22, 2023
Hargaysa: Ciidamada Booliiska Somaliland oo gacanta ku dhigay nin ku eedaysan in uu dilay qof shacab ah
 

Khamiis, Juun, 22, 2023 (HOL) - Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen nin ku eedaysan in uu nin kale ku dilay xaafada Daami ee Hargaysa.

Qoraal kaasoo baxay taliska guud ee ciidamada booliiska oo lagu baahiyay barta Facebook ee ciidanka booliiska, ayaa lagu shaaciyay soo qabashada eedaysanaha.

"Taliska Ciidanka Booliska JSL  ayaa  gacanta ku soo dhigay  edeysane  Yaasiin Ismaacil Cabdi  kuna eedaysan ina uu dilay marxuum  Cawil Cabdilahi Caseyr, dilkas ayaa ka dhacay xaafadda Daami ee magaalada Hargaysa" ayaa lagu yidhi qoraalka booliiska.

Ciidanka Booliska ayaa sheegay in hawl-gal iyo dedaal ay sameeyeen ay saacaddo gudahood gacanta kusoo dhigeen eedeysanahan, isla markaana uu hadda ku jiro gacanta ciidanka booliska, degdegna loo horgeeyn doono sharciga.

Qoraalka ayaa waxa kale oo lagu yidhi "Ciidanka boolisku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta  oo isku dayda amni darro iyo khalkhal galinta amniga in gacan bir ah lagu qaban doono".

Ugu danbayntii, ciidanka ayaa shacabka ka codsaday in ay sii kordhiyaan xogaha ay la wadaagayaan iyo wadashaqaynta, si loo wanaajiyo amniga.