7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 22, 2023
Puntland oo sheegtay dagaalkii ka dhacay Garowe in lagasoo abaabulay Villa Soomaaliya
 

Khamiis, Juun, 22, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku eedeeyay senatorada iyo xildhibaanada heer federal ee Garowe ku sugan, inay ka dambeeyeen kicinta iyo abaabulka dagaalkii dhawaan ka dhacay Garowe.

Guddoomiyaha baarlamaanku wuxuu sheegay inay hayaan caddeymo ku filan oo arrintaas muujinaya, isagoo si gaar ah eedda u saaray guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee aqalka sare, Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde.

Guddoomiye Abwaan Cabdirashiid wuxuu ku eedeeyay Senator Timacadde, iyo saaxiibadiisa inay ka shaqeynayaan in Somaliland ay dib u qabsato magaalada Laascaanood, isagoo sheegay inay xaggal daacinayaan halganka SSC.

Wuxuu kaloo sheegay in Villa Soomaaliya ay kasoo dhex hadlayso Senatorada ayna ku shaqeynayaan aragtida madaxweyne Xasan Sheikh uu ka leeyahay doorashada Puntland.

“Ciddii ka shaqeysa inay qalqal galiso  caasimadda, iyo  amni darrada Puntland, waxaan u aqoonsanaynaa inay yihiin cid taageersan Muuse Biixi iyo cadowga SNM ee dalkeenna kusoo duulay,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Dhawaan ayay ahayd markii guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare uu ku eedeeyay guddoonka baarlamaanka Puntland inay mas'uul ka yihiin dagaalka ka dhacay magaalada Garowe, isagoo sheegay inay qalad ahayd inay ku degdegaan furitaanka dastuurka.