7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 22, 2023
Xeer ilaaliyaha guud oo musuq maasuq ku eedeeyay xubno katirsan wasaaradda warfaafinta iyo sarkaal ciidan
 

Khamiis, Juun, 22, 2023 (HOL) - Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya ayaa maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay eedda labo sarkaal oo katirsan wasaaradda warfaafinta iyo sarkaal katirsan ilaalada madaxtooyada.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa shakhsiyaadkan ku eedeeyay inay ku kaceen xatooyada xoolo dadweyne. Xeer ilaalinta waxay ka codsatay maxkamadda inay muddayso dhegaysiga kiiska, si loo bilaabo maxkamadaynta eedeysanayaasha.

Tan iyo markii xukuumaddu ku dhawaaqday qaraar ka dhan ah musuq maasuqa, xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa qaaday tallaabooyin lagu beegsanayo dad xilalka ka haya hay’adaha Dowladda, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku kaceen masuq maasuq.

Shakshiyaadka loo xiray musuqa waxaa kamid ah, agaasimihii wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada. Maalin ka horna sarkaal katirsan hoggaanka ilaalada canshuuraha ee ciidanka booliiska ayaa loo xiray musuq maasuq.

In dowladdu la dagaalanto musuqa ayaa salka ku haya kaddib markii ay soo baxeen warbixino badan oo ku saabsan musuq xargaha goostay oo lagu eedeeyay hay’adaha Dowladda, taasoo khatar ku ah taageerada dowladdu ka hesho beesha caalamka, iyo qorshaha dayn cafinta.

Warbixin baariseedka xafiiska Hantidhawrka ayaa maalmo ka hor lagu sheegay in khasnadda dhexe ee dowladda Soomaaliya uu ka maqan yahay dakhli 21 Milyan oo dollar intii u dhexeysay 08 March 2018 ilaa 19 April 2023.

Xafiisku wuxuu sheegay dhaqaalahaas inuu ku maqan yahay maamulka Xafiisyada bixiya adeegyada kordhinta fiisaha iyo ruqsadda shaqada oo kala raacsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada iyo Hay’adda Scodaalka iyo Jinsiyadda iyo sidoo kale Xafiisyada qabashada dakhliga, xisaabinta iyo xaraynta dakhliga.