7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 22, 2023
Weerar khasaare geystay oo ka dhacay xaduuda gobolka Hiiraan uu la wadaago dowlad deegaanka Itoobiya
 

Khamiis, Juun, 22, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Maleeshiyaad hubeysan ka geysteen deegaanka Xudiwagle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Feer Feer Soomaaliya ee gobolka Hiiraan.

Maleeshiyaadka hubeysan ayaa la sheegay iney kasoo talaabeen xaduuda gobolka Hiiraan uu la wadaago dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Inta la xaqiijiyay weerarkaan waxaa ku dhintay mid ka mid ah beeraleyda deegaanka Xudiwagle oo Baledweyne kaga beegan dhinaca Waqooyi, waxaana ku dhaawacmay dhowr qof oo kale.

Weerarkaan ayaa yimid sida la tilmaamay xili dadka beeraleyda ah ay ku howlanayen tacbashada dhul beereed ku yaala deegaanka Xudiwagle, waxaana la sheegay in Maleeshiyaadkaan kasoo talaabay dhulka dowlad deegaanka iney kasoo horjeedaan tacbashada dhul beereedkaan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in haatan deegaanka dadka lagu dilay ay tahay mid kacsan oo laga dareemayo xiisad colaadeed.

Warar hoose ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka weerarka Maanta ka geystay deegaanka Xudiwagle ee gobolka Hiiraan iney ku labisnayeen dareyska ciidanka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.