7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 22, 2023
Golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo maanta fadhi ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya
 

Khamiis, Juun, 22, 2023 (HOL) - Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa maanta kulmaya, iyagoo ka wada hadlidoona xaaladda siyaasadeed, amni iyo bini’aadinimo ee Soomaliya.

Golaha ammaanka ayaa sidoo kale ka dhegaysandoona madaxweynaha Soomaaliya warbixin ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga iyo siyaasada dalka.

Fadhigaan ayaa kusoo beegmaya xilli meelo badan oo katirsan Soomaaliya ay ka jirto marxalado siyaasadeed oo cakiran, iyadoo uusan wanaagsanayn wada shaqayta Dowladda federalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Colaad ayaa ka jirta meelo badan oo dalka ah, sida Garowe, Laascaanood, Garbahaareey, Baladweyne iyo Baraawe.

Dhawaan ayay ahayd markii golaha ammaanka ay warbixin kasoo saareen xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka Dowladda ay kula jirto Alshabaab iyo colaadda magaalada Laascaanood.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa walaac ka muujiyey colaadda Laascaanood saamaynta ay ku yeelan karto xaaladda bini’aadantinimo ee sii kordhinaysa barakaca iyo dhibaatada ka dhalatay abaartii 2022-ka.

Golaha ammaanka ayaa ku baaqay in ciidamada Somaliland laga saaro Laascaanood, hase ahaatee, Somaliland ayaa ka dhega adaygtay oo aan fulin baaqa kasoo  baxay golaha.