7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 22, 2023
Howgal lagu dilay 45 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay Shabeellaha Hoose
 

Khamiis, Juun, 22, 2023 (HOL) - Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka NISA oo kaashanaysa Saaxiibada Caalamka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay saacadahii lasoo dhaafay Beerta Faay Yuusuf oo u dhow Tuullada Yimbis ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Howlgalka NISA ay ka fulisay beerta faay ayaa ahaa mid lagu bartilmaameedsaday dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab oo la sheegay in gabbaad ka dhiganayeen hawdka iyo geedaha ku yaala deegaankaas.

NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkaasi qorsheysan ay ku dishay 45 xubnood oo ay ku jiraan saraakiil iyo askar ka tirsan Ururka Al-shabaab, islamarkaana ay burburiyeen gabaadyadii kooxdu ku laheyd deegaankaas.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay NISA ayaa sidoo kale lagu sheegay in xubnaha howlgalka lagu dilay ay qorsheynayeen iney weeraraan deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, hayeshee xogtooda ay heleen ciidanka NISA, taasi oo keentay in lagi weeraro gabaadyadooda.

Ciidamada dowladda iyo saaxiibada Caalamka ayaa inta badan gobolada dalka ka sameeya howlgalada noocaan oo kale ah ee lagu beegsado kooxda Al-shabaab.