7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 22, 2023
SSC-Khaatumo oo ka jawaabtay hanjabaadii Taliyaha Millateriga Somaliland

Khamiis, Juun, 22, 2023 (HOL) - Qoraal kasoo baxay bahda dhaqanka ee SSC-Khaatumo, ayaa lagaga digay dhibaatada ka dhalan karta, hadii anay Somaliland ciidankeeda dib u qaadin, oo ay dagaalo cusub qaado.

Qoraalka kasoo baxay isimada dhaqanka ayaa lagu sheegay in hadalkii Taliyaha Ciidamada Somaliland Nuux Ismaaciil Taani ee ahaa in anay waxba reeban doonin hada kadib uu yahay mid werwerkiisa leh.

"Hadii dilida boqollaal, dhaawicida kumanaan, barakicinta 280,000, iyo in uu si baaxad leh u burburiyo Laascaanood ay maskaxdiisa ka tahay naxariis, qofku wuxuu kasii gariiri kara waxa weeraradiisa soo socdaa ay gaysan karaan, hadii uu sida ku socdo, isaga oo dhagaha ka furaystay baaqii Golaha Amaanka".

Waxa uu qoraalku intaa ku daray in ciidamada SSC ay hore uga baaqsanayeen dagaalka, oo ay is dajinayeen xataa iyaga oo ciidanka Somaliland magaalada duqaynaya, lakiin hada kadib ay is difaaci doonaan ilaa oo ay is xoreeyaan, ayaa lagu yidhi.

Ugu danbayn, qoraalka ayaa lagaga digay in dagaalka gobolka Sool uu ku fidi karo dhamaan gobolka oo dhan, hadii anay beesha caalamka, Qaramada Midoobay iyo dowlada Soomaaliya ku qancin Somaliland  in ay ciidankeeda la baxdo.