7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 21, 2023
Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo shaaciyay in qasnada dowladda laga waayay lacag dhan 21 Milyan oo doolar
 

Arbaco, Juun 21, 2023 (HOL) - Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Hantidhowrka guud ee qaranka ayaa lagu sheegay in xafiiska uu la wadaagay Xeer ilaaliyaha guud warbixin ku saabsan baaris fatasha ah oo laga sameeyay hay'ado ka tirsan  dowladda, islamarkaana lagu ogaaday in qasnada dowladda ka maqan tahay lacag dhan 21 Milyan oo doolar.

Sida warsaxaafadeedka lagu shaaciyay lacagtaan waxaa la qaatay mudadii  dhaxeysay 8 March, 2018 illa 9 April, 2023, taasoo la tilmaamay iney aheyd lacago ka soo xarooday adeegyada bixinta iyo kordhinta ruqsadaha shaqo ee la siiyo shaqaalaha ajaanibta ah ee dalka ka howlgala.

Warka kasoo baxay Hantidhowrka ayaa sidoo kale lagu xusay in dhinacyada la tuhunsan yahay inay lacagtaan lunsadeen ay ku jiraan madax iyo shaqaale dowladeed oo ka tirsan Wasaaradaha kala ah Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo sidoo kale xafiisyo kala taabacsan Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhexe iyo Xisaabiyaha Guud.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-