7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 21, 2023
Dhacdo argagax badan oo Maanta ka dhacday deegaanka Daarusalaam
 

Arbaco, Juun 21, 2023 (HOL) - Nafiso Iidle Yuusuf Sheekh Axmed oo aheyd gabar lix sano jir ayaa maanta galinkii hore waxaa lagu gowracay gurigooda oo ku yaala waaxda Tawakal ee deegaanka Daarusalaam ee magaalada Muqdisho.

Gabadha yar ayaa la tilmaamay inuu gowracay wiil uu adeerkeed dhalay oo ku noola gurigooda, kaasoo la sheegay inuu ahaa qof maskax ahaan xanuunsan.

Aabaha dhalay gabadha la gowracay Iidle Yuusuf Sheekh Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gabadhiisa ay sababsatay gacanta wiil uu adeer u ahaa oo uu xusay inuu ahaa qof xanuunsan maskax ahaan.

"Qadar Alle ayaa Maanta ka dhacay gurigeyga ee mahan wax macno kale leh gabadha dhimatay aniga ayaa dhalay, wiilka wax gowracayna aniga walalkey ayaa dhalay oo adeerkiis ayaan ahay gurigeyga ayuuna kusoo koray, wuu xananunsana lakin xanuun heerkan gaarsiisan malaheyn" ayuu yiri Iidle Yuusuf Sheekh Axmed oo ah aabaha dhalay gabadha la gowracay.

Si kastaba ha ahaatee meelo ka mid ah gudaha dalka waxaa mudooyinkii dambe kusoo badanaayay dhacdooyinka naxdinta leh oo aan horay loogu arki jirin guud ahaan dalka Soomaalya.