7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 21, 2023
Faahfaahino kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkii maanta ka dhacay degmada Baardheere
 

Arbaco, Juun 21, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ismiidaamin ah ku bilaawday oo maanta ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay xarunta ADC-da degmada Baardheere, halkaas oo la sheegay inu tababar uga socday dhalinyaro dooneysay iney ka mid noqdaan ciidanka dowladda Soomaaliya, iyadoo weerarka labaadna uu ka dhacay koontarool ku yaala agagarka garoonka diyaaradaha degmadaas.

Qaraxyada oo ahaa kuwa loo adeegsaday laba gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay iney ku dhinteen ilaa 8 ruux, iyadoona ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 19 ruux oo u badan dad shacab ah.

Dadka ku dhaawacmay weerarkaasi ayaa la geeyay goobaha Caafimaadka degmada Baardheere  ee gobolka Gedo.

Uururka Al-shabaab oo sheegtay masuuliyada weerarka maanta ka dhacay degmada Baardheere ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen iney khasaaro lixaad leh ay gaarsiyeen saraakiil iyo askar badan oo ka tirsan ciidanka dowladda, hayeshee maysan sheegin tiro sax ah.

Al-shabaab ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in weerarada mid ah ay la beegsadeen Ciidanka Itoobiya oo gurmad ahaan ugu soo socday xerada ADC-da oo weerarka koowaad uu ka dhacay, islamarkaana ay khasaare gaarsiyeen.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarkii maanta ka dhacay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.