7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 21, 2023
Midowga Afrika oo sheegay inay bilaabeen dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya
 

Arbaco, Juun 21, 2023 (HOL) - Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa Arbacada maanta ah sheegay inay bilaabeen dhimista tirada ciidamada ATMIS ee ku sugan Soomaaliya, iyadoo la qorsheynayo in ugu dambeyntii ammaanka dalka lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliya.

"Howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya wuxuu bilaabay inuu sameeyo dhimis ciidan isagoo u hoggaansamaya ( Qaraarka Qaramada Midoobay) kaasoo faraya ATMIS inay dhinto 2,000 oo askari dhammaadka Juun 2023," ayaa lagu yiri bayan kasoo baxay howlgalka ATMIS.

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo qaar kamid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya ay walaac ka muujinayaan dhimista ATMIS. Waxay sheegeen Alshabaab inay weli khatar ku yihiin amniga dalka.

Bishii la soo dhaafay, 54 askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Uganda ayaa la dilay markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamadu ku leeyihiin magaalada Buulo Mareer.