7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 21, 2023
Weerar qaraxyo Ismiidaamin ah ku bilaawday oo haatan ka socda magaalada Baardheere
 

Arbaco, Juun 21, 2023 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi ay ka dhaceen qaraxyo Ismiidaamin ah, islamarkaana la maqlaayo rasaas aad u xoogan.

Qaraxyada ayaa lasoo sheegaya iney ahayeen ilaa sadax qarax oo ay fuliyeen rag isku soo xiray jaakado qarxyo ah iyo gaari laga soo buyxiyay waxyaabaha qarxa, sida ay kusoo waramayaan ilo xog ogaal ah oo deegaanka ku sugan.

Weerarka qaraxyada ah ayaa lagu beegsaday xerada ADC ee degmada Baardheere, waxaana wararku intaasi ku darayaan in xerada gudaha u galeen rag hubeysan oo dagaal fool ka fool ah uu haatan socdo.

Dagaalka haatan halkaasi ka socda ayaa ah mid u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo ragg hubeysan oo ka tirsan Alshabaab oo weerarka qaraxyada ku bilaawday kadib gudaha u galay xerada.

Weerarka qaraxyada ku bilaawday ayaan la ogeyn ilaa hadda khasaare ka dhashay, maadama ay adag tahay in halkaasi laga heli xog buuxda.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.